Friday, March 25, 2016

Face book oo soo kordhiyey erayo cusub oo ey isticmaalayaashu dareenkooda ku muujin karaan





Shirkada FACEBOOK Oo Ereyo Cusub Soo Kordhisay


fas

Barta bulshada ku kulanto ee Online-ka ee Facebook, ayaa dhowaan soo kordhin doonta fal-celinno cusub oo la mid ah ereyga “like” ee qofku doorto marka wax uu jeclaado uu ku arko facebook.

Dhowaan, ayaa dadka Facebook isticmaala waxa ay awood u yeelan doonaan inay adeegsadaan ereyo ay ka mid yihiin “angry” oo la macno ah carro, ama “sad” oo la macno ah “murugo”.

Waxa sidoo kale lasoo kordhin doonaa ereyada “yay”, oo aad ku qeylin karto markaad wax si aad ah uga hesho ama ereyga “wow’ oo wixii ku cajab geliyaa aad u adeegsan karto.

Facebook waxa ay sidoo kale kusoo dari doontaa ereyga “love” oo aad saari karto wixii aad jeclaato, sida faallo, sawir ama video.

Mark Zuckerberg, oo madax ka ah facebook ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in dadku ay awood u siiyaan inay wadaagaan dhammaan waxyaabaha macnaha ugu fadhiya, uuna rajeynayo in dadku jeclaan doonaan ereyadan cusub ee lasoo kordhin doono.

Facebook ayaa tijaabinta fal-celinnada cusub waxa ay bishii October ka billowday dalalka Chile, Philippines, Portugal, Ireland, Spain, Japan iyo Colombia.

Faa’iidooyinka Qaraha Xabxabka & 7-Qodob oo wax tar u leh Aadanaha…


 

(1) wuxuu xakameeya cadaadiska dhiigga waayo wuxuu kor u qaadaa caafimaadka xididada iyo socodka dhiig, wuxuna maamula macdanta iyo aashada jirka, miisaankana hoos buu u dhigaa. Hadaad dhiig kar qabtid maalin walba galaas ka cab biyiisa.

(2) Wuxuu ku jirta maadoyin la yiraahdo citrulline iyo arginine oo hoos u dhiga dufanka aan caafimaadka u fiicnayn ee (LDL).

(3) Wuxuu jirka siiyaa Qoyaanka uu u baahanyahay oo isugu jira biyo iyo macdan sida macdanta kala ah; alcium, magnesium, potassium and sodium, Wuxuuna aad u anfacaa dadka meelaha kulul jooga.

(4) Wuxuu ka qayb qaataa caafimaadka indhaha iyo aragooda waayo waxaa ku jira maadooyinka kala ah Beta-Carotene, Vitamin A, lycopene, vitamin C, lutein and zeaxanthin. Oo dhamaantood ka qayb qaata aragtida iyo caafimaadka indhaha.

(5) Wuxuu kor u qaadaa caafimaadka kalyaha; asagoo jirka kaadi ahaan uga saaraya maadooyinka sunta ah sidaas awgeed dadka kaadidoodu yartahay inay joogteeyaan Qaraha biyihiisa ayaa fiican.

(6) Wuxuu dajiyaa qofka xaaladiisa maskexeed ay kacsantahay waayo waxaa ku jira Vitamin B6 oo nidaamiya neerfayaasha shaqadooda, iyo Vitamin C oo jirka ka saara maadooyinka sunta ah (free radicals).

(7) Wuxuu isku dheelli tiraa Hormoonada oo muhiim u ah shaqooyinka jirkeena.



Fadlan Taabo ….Share…. mahadsanid

Waxyaabaha Muhiimka ah ee Laga fiiriyo ama Lagu xusho marka la iibsanayo Computer – Laptop

 

PostedBy:  Cabdullaahi Sheikh Cabdi  At: Somalistudents  

#Somstd.blogspot.com:
 Ugu horayn inta aadan iibsan Computer waxaa muhiim ah in aad ogtahay ujeedada iyo hawsha aad u adeegsan doontid computerka: Ma waxaad u adeegsanaysaa in aad qoraalada caadiga ah ku qoratid, mase waxaad ku agaasimaysaa sawirro iyo video, mase in aad ku kaydsanaysid casharada dugsiga/iskoolka, ma waxaad rabtaa computer fudud oo aad safar la gashid, mase mid guriga uun aad ku adeegsatid iwm.
Ujeedada iyo muhiimadda ay leedahay hawsha aad u adeegsan doontid ayaad ku salayn doontaa tayada iyo qiimaha aad ka bixin doontid computerka.
Mar haddii aan ujeedada isla meel dhignay, waxaan qoraalkan  ku eegi doonaa waxyaabaha muhiimka ah ee laga fiiriyo computerka marka la iibsanayo, taas oo aan ku ogaan kartid tayada computerka, waxaana ka mid ah:

Processor (CPU)

  • 3 GHz Intel Core i7 CPU (Processor), ama ka casrisan
compuut2Processor ama CPU (oo laga soo gaabiyey Central Processing Unit) oo lagu qeexo maskaxda computerka – waa meesha kala hagta dhammaan amarrada uu computer ku fulinayo hawlaha kala duwan. Sidaas daraadeed Processor waa qaybaha ugu muhiimsan computerka, waana in aad iska hubisid xawaaraha Processor-ka (oo lagu cabbiro hal-beegga GHz). Tusaale ahaan 1.6GHz waxa ka sareeya 2GHz ama 3GHz.
Shirkadaha ugu caansan ee sameeya Processor-ka waxaa kamid ah Intel iyo AMD. Noocyadii ugu dambeeye ee Intel waxaa ka mid ah: Intel Core i3, Core i5 iyo Core i7 oo siday u kala lambar weyn yihiin u kala qaalisan. Noocyadii hore ee Processor-ka waxaa ka mid ah Pentium, Celeron, Atom iyo Xeon.
Haddii la isku kaa barbar dhigo labadan computer oo leh processor kala ah:
  • 1.6GHz Intel Core i5 CPU, iyo
  • 3.5GHz Intel Core i7 CPU – iibso kan, waayo isagaa kaga xawaare badan sida uu amarrada u fulinayo.

Hard Drive

  • 500GB Hard Drive (7200 rpm), ama ka mug weyn
Hard Drive oo ah qaybta kaydka computerka, waa meesha aad ku xafidan doontid qoraalada iyo macluumaadka aad ku kaydsanaysid computerka. Marka laga hadlayo qaabka ay u shaqeeyaan, waxaa jira laba nooc oo Hard Drive ah oo kala ah:
  • HDD: Noocan waxaa weli laga helaa computero badan, inta badana waa riqiis, laakiin waxa uu computerka ku siyaadiyaa miisaan, waana kululaadaa. Waxaana la helaa Hard Drive noocaan ah oo mugiisu yahay 320 GB iyo ka badan (ama ka yar).
  • SSD: Noocan waa ka guux yar yahay kan sare, islamarkaasna ka qabow yahay, laakiin waa ka qaalisan yahay. Xawaaraha ama sida degdegga ah ee Hard Drive-ku akhbaarta ku xafido waxay noqon kartaa 5,400rpm (revolutions per minute), ama kasii xawaare badan oo gaaraya 7,200rpm. Taas waa muhiim in aad ogaatid marka aad iibsanaysid computerka.
Waxaa la helaa computerro leh Hard Drive aad u mug weyn, tusaale ahaan:
  • 750GB hard drive (5400 rpm)
  • 1TB hard drive (7200 rpm), kaas oo ah 1 Terabyte oo u dhiganta 1024GB.
Halkaas waxaad ka garan kartaa mugga Hard Drive-ka aad iibsanaysid wuxuu ku xiran yahay baaxadda xogta aad doonaysid inaad ku kaydsatid computerka.

RAM (Memory)

  • 8GB DDR3 SDRAM, ama ka casrisan
RAM (oo laga soo gaabiyey Random Access Memory) waxaa loo yaqaan xusuusta computerka, waa tan suurta gelisa in isku mar la furi karo barnaamijyo badan, sidaas daraadeed ha iibsan computer ay xusuustiisu ka yar tahay 4GB – waxaana la helaa 8GB iyo ka sii badan.
Waxaa muhiim ah in uu yahay nooca loo yaqaan DDR3 oo ay ku lingaxan tahay SDRAM – farsamadaas oo suurtagal ka dhigeysa in computerku uusan isticmaalin koronto badan, si degdeg ahna u furaya barnaamijyada. Farsamadii taas ka horeysey waxay ahayd DDR2 (oo weli laga heli karo computerada qadiimka ah).
Sidaas daraadeed haddii la isku kaa barbar dhigo labadan computer:
  • 4GB DDR2 RAM, iyo
  • 8GB DDR3 SDRAM – kan iibso, waayo isagaa si degdeg ah u furaya barnaamijyo badan.

 Ballaca Shaashadda (Screen Size)

  • 15.6″ Touch-Screen Laptop
Ballaca shaashadda Computerka ee aad dooranaaysid waxay ku xiran tahay waxa aad u adeegsanaysid computerka. Tusaale ahaan:
  • 13 ilaa 14 inches: Waxa uu ku habboon yaahy Laptop loogu talo safarka ama markasta qaadatid,
  • 15 inches: waa noocyada ugu badan ee la xusho marka computerka aadan marar badan qaadanayn,
  • 17 ilaa 18 inches: waa shaashad ballaaran oo loo adeegsado computerada leh shaashadda baaxadda ballaaran.

Waxa kale oo xusid mudan in la ogaado in shaashadu tahay mid ku shaqaysa taabashada gacanta (Touch-Screen), oo ah mid si toos ah shaashadda looga taaban karo faraha si loo furo barnaamijyada.

Operating System

  • Windows 8.1 (64Bit) ama ka casrisan
Barnaamijka uu ku shaqeeyo computerku ee loo yaqaan “Operating System“, wuxuu noqon karaa Windows, Mac OS ama Linux. Waxaad iibsataa computer uu ku jiro nooca Operating system ee aad taqaanid. Haddii aad dooratid Windows, waxaa ugu dambeeyey Windows 8.1 (markii aan qoraalkan qorayey), waxaana ka horeeyey Windows 7 (waxaana ka sii horeeyey Windows XP oo hadda suuqa ka baxday).
Waxaadna hubisaa in Operating System-ku uu yahay 64Bit, waayo noocyadii hore waa 32Bit – waa farsamo la xiriirta baaxadda degdegga ah ee computer ku maarayn karo faylal iyo barnaamijyo badan (taas oo xiriir toos ah la leh RAM/memory).

Saacadaha Beterigu Shaqaynayo (Battery Life)

Marka aad iibsanaysid Laptop waxaa muhiim ah inaad ogaatid inta saacadood ee beterigu shaqaynayo koronto la’aan. Tusaale ahaan haddii aad iibsatid Laptop ballaca shaashaddiisu tahay 15 inches, waa in batarigiisu inta uu shaqaynayo aysan ka yaraaan 4 saac ama ka badan. Waxaana la helaa computero batarigoodu shaqaynayo ilaa 6 saac, 10 saac  iyo ka badan.

Waxyaabo Dheeraad ah oo Muhiim ah

Waxaad kale oo aad hubisaa in computerku leeyahay qaybahan:
USB 3.0 ports: oo loo adeegsado in computerka si fudud loogu xiriirin karo aaladaha ay ka mid yihiin Camera iwm. Waxaa muhiim ah in computerku leeyahay dhawr meelood oo ah USB 3.0 (waxaa ka horeeyey USB 2.0 oo gaabis ah marka la barbar dhigo USB 3.0 – waa marka xogta lagu kala xawilayo computerada ama computerka iyo camarada oo la adeegsanayo USB 3.0 ayaa degdeg badan).
Wi-Fi: oo ah aaladda suurtagal ka dhigeysa in computerku uu soo qabsan karo khadka Internetka ee silig-la’da (wireless) oo ah khad internet ah oo aan fiilo la adeegsanayn (silig-la’), waxaana farsamadaas noqon kartaa 802.11 b/g/n Wi-Fi.
Gigabit Ethernet port: oo ah meesha lagaga xiriirin karo fiilada khadka internet ah oo xawaare sare leh.
Graphics Card: haddii aadan computerka u adeegsanayn games, waxaad tixgelinaysaa in uu computerka ku jiro Graphics card iska caadi ah. Graphics card-yada la adeegsado waxaa ka mid ah AMD iyo Nvidia, ama kuwo ka casrisan.
DVD/CD-ROM Drive: in kasta oo waayadan dambe laga sii baxayo DVD/CD, hadana weli waxaa dhici karta in loo baahdo in computerku leeyaahy khaanada (ama Drive) ah DVD/CD.
Keyboard: Teebka computerku waa meelaha ugu muhiimsan maadaama ay tahay halka aad qoraalada kaga qoreysid. Sidaas daraadeed waa in Keyboar-ku noqdo mid fasiix ah oo farahi si fiican u qabsanayaan, waana in aad dareemeyid in aysan aad ciriiri u ahayn ama aad isugu dhaweyn qaybahiisa teebku.
Mouse: Hage ama mouse wanaagsan oo gacan qabad leh ayaad u baahan kartaa.
Qoraalkaan AqoonKaal.com waxaan ku soo koobnay waxyaabaha muhiimka ah ee laga fiiriyo marka la xulanayo computer. Waxaan rajaynayaa in aad qoraalkaas ka faa’iidey, ama aqoon kororsi kaaga siyaadey.

Xikmado Muhiim Ah

~ Waxaan bartay in jaamacadda iyo iskuulka aan wax kabaranno kaddibna aan imtixaanada galno, laakiin nolosha imtixaanka ayaan galnaa...