Wednesday, March 15, 2017

Xikmado Muhiim Ah



~ Waxaan bartay in jaamacadda iyo iskuulka aan wax kabaranno kaddibna aan imtixaanada galno, laakiin nolosha imtixaanka ayaan galnaa kaddib markaasaan wax barannaa (Khibrad).

~ Waxaan bartay in hadal gaaban oo idin dhexmara qof xigmad badan, ama dood yar ay udhiganto bil duruusteed oo kale.

~ Waxaan bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan kaddib rabtaa inaad gaartid”.

~ Waxaan bartay inay qofka u-khayr-badan-tahay inuu ahaado Diin-diin kusocda dariiqa toosan, inta uu ahaan lahaa Deero kusocota dariiqa Khaladka ah.

~ Waxaan bartay in furaha khasaaradu uuyahay in qofku uu isku dayo inuu raalli geliyo cidkasta.

~ Waxaan bartay in Camalka wanaagsani uu aad uga fiican yahay hadal wanaagsan oo kaliya.

~ Waxaan bartay inay-badan-yihiin dadka hela waanooyin badan, laakiin ay yaryihiin inta kudhaqantaa.

~ Waxaan bartay in khasaaradu aysan ceeb ahayn, laakiin ay ceeb tahay in aan waxba latijaabin.

~ Waxaan bartay in ay jiraan laba nooc oo dadka ah: a) Dad u-dabaalanaya meesha uu markabku taagan yahay, iyo b) Kuwa taagan oo sugaya in markabku uu iyaga xaggooda usoo dhaqaaqo.

~ Waxaan bartay in qofku uusan hoogin haddii uu khasaaro, laakiin uu khasaaro marka uu joojiyo dadaalkiisa.

~ Waxaan bartay in qofka guusha gaaraa uu yahay kan sabirka iyo dulqaadka badan.

~ Waxaan bartay in hubka ugu weeyn ee qofku helaa uuyahay: Sabirka iyo Waqtiga.


~ Waxaan bartay in ay lagama maarmaan tahay in qofku isku dayo inuu sameeyo camal gaarsiiya ilaa xiddigaha, laakiin uusan illoobin in lugihiisu ay dhulka joogaan.

~ Waxaan bartay in marka aad qoslaysid uu adduunka oo-dhammi kula qoslayo, laakiin marka aad ooyaysid aysan kula ooyayn!.

~ Waxaan bartay in farqi weeyni u-dhexeeyo tijaabinta badan iyo ka-quusashada.

~ Waxaan bartay in geedkii miro-badani uuyahay kan dadku mar-walba hujuumo.

~ Waxaan bartay in dareenka wanaagsani uuyahay kii naftaadu kuqanacsan-tahay adigoo-ogsoon waxa aad samaysay inay wanaag ahaayeen, adduunka oo-dhaniba hakugula colloobee.

~ Waxaan bartay in wax-kasta oo aan u-aragno inay weeyn-yihiin oo adduunka yaal ay markii hore ku biloowdeen fikrad-yar, kana biloowdeen wax-yar.

No comments:

Post a Comment

Xikmado Muhiim Ah

~ Waxaan bartay in jaamacadda iyo iskuulka aan wax kabaranno kaddibna aan imtixaanada galno, laakiin nolosha imtixaanka ayaan galnaa...