(1) wuxuu xakameeya cadaadiska dhiigga waayo
wuxuu kor u qaadaa caafimaadka xididada iyo socodka dhiig, wuxuna maamula
macdanta iyo aashada jirka, miisaankana hoos buu u dhigaa. Hadaad dhiig kar
qabtid maalin walba galaas ka cab biyiisa.
(2) Wuxuu ku jirta maadoyin la yiraahdo
citrulline iyo arginine oo hoos u dhiga dufanka aan caafimaadka u fiicnayn ee
(LDL).
(3) Wuxuu jirka siiyaa Qoyaanka uu u
baahanyahay oo isugu jira biyo iyo macdan sida macdanta kala ah; alcium,
magnesium, potassium and sodium, Wuxuuna aad u anfacaa dadka meelaha kulul
jooga.
(4) Wuxuu ka qayb qaataa caafimaadka indhaha
iyo aragooda waayo waxaa ku jira maadooyinka kala ah Beta-Carotene, Vitamin A,
lycopene, vitamin C, lutein and zeaxanthin. Oo dhamaantood ka qayb qaata
aragtida iyo caafimaadka indhaha.
(5) Wuxuu kor u qaadaa caafimaadka kalyaha;
asagoo jirka kaadi ahaan uga saaraya maadooyinka sunta ah sidaas awgeed dadka
kaadidoodu yartahay inay joogteeyaan Qaraha biyihiisa ayaa fiican.
(6) Wuxuu dajiyaa qofka xaaladiisa maskexeed
ay kacsantahay waayo waxaa ku jira Vitamin B6 oo nidaamiya neerfayaasha
shaqadooda, iyo Vitamin C oo jirka ka saara maadooyinka sunta ah (free
radicals).
(7) Wuxuu isku dheelli tiraa Hormoonada oo
muhiim u ah shaqooyinka jirkeena.
Fadlan Taabo ….Share…. mahadsanid
No comments:
Post a Comment