Wednesday, March 30, 2016

Sida ugu Fudud ee Loo Samaysan karo Gmail (Google Account)

 
Posted By: CabdullaahiSheikh Cabdi | Date: 27-03-2016 | Somali Students 
Emailku waxay ka mid tahay waxyaalaha muhiiimka ah marka laga hadlayo adeegsiga Internetka. Email waxaa laga samaysan Gmail, Autlook (oo ahaan jirtey Hotmail) iyo Yahoo. Tusaale ahaan haddii la doonayo in la samaysto Twitter, Facebook, Paypal, Website iwm, waxaa loo baahan yahay email. Sidaas daraadeed ayaa emailku muhiimad u leedahay.
Qoraalkan waxaan ku baran doonaa sida akoonka looga samaysto Google, taas oo loo adeegsan karo Gmail, Google+, YouTube iyo adeegyo kale ee Google.
Haddaba (Google Account) oo lacag la’aan ah si aad u samaysatid waxaa lagaaga baahan yahay in aad qortid: magacaaga, naanaysta (username) noqon doonta email-kaaga, iyo fure(Password) gaar kuu ah.
Tallaabooyinka la qaadayo Marka la sameynaayo Gmail:
waxa aad tagtaa daaqadda yar ee wax laga baaro ee Google dhanka midig ee daaqadda waxaa kasoo muuqanaya cinwaanka ku jira markaasi haddii usan ku jirinna waxaa ku qoran  Sign in kadibna click sii si aad uga saartid cinwaankii hore ugu jiray waxaad click siisaa sawirka ama icon-ka meesha ka muuqda kadibna dooro sign out
 

Ama
1.  Booqo website Gmail-ka oo ah: http://gmail.com ama https://mail.google.com
2. Riix batoonka “Create an Account.” (waa dhanka sare ee xigta midigta ee website-ka Gmail) eeg sawirka hoose

 
3. Buuxi meelaha bannaan, sida magacaaga iyo naanaysta (username) taas oo noqon doonta emailkaaga.
·        

 
FG: Waa in aad diyaarsatid dhawr naanaysood, waayo waxaa dhici karta in naanaysta aad dooratay uu qof hore u qaatay.
 
4. Waxaad qortaa fure (password) aad xusuusan kartid laakiin aan si fudud lagu jabsan karin. Sidoo kale qor taariikhda dhalashadaada iyo rag ama dumar (male / female).
·         FG: Ka taxadar password-ka aad qoreysid in aysan noqon mid si fudud loo jabsan karo, tusaale ahaan haddii aad qortid abc1234 si fudud ayaa lagu jabsan karaa, si aan taasi u dhicin waa inaad qortid Xarfo isku dhafan oo ay la socdaan Tiro iyo calaamado sida !>@$.IWM
 
 
 
 
 
 5. Meesha u bannaan ku qor xarfaha iyo tirada ka muuqata shaashadda.
 
 
 
 
6. Markaas haddii aad aqbashay xeerka adeegsiga Google, calaamadi barta “I agree to the Google Terms of Service and Privacy Policy“. Kaddib riix batoonka “Next step” ee dhanka hoose ee shaashadda.
 
 
 
 
 
 
7. Haddii wax kasta u shaqayeen sida saxda ah, waxaa soo bixi doona shaashad muujinaysa in emailkaagii diyaar tahay. Riix “Continue to Gmail” .ama Go To Gmail

8. Emailka hadda diyaar ayuu kuu tahay.
Halkaas marka aad soo gaartey waxaad ku guulaysatey in aad sida akoonka looga samaystay Google, taas oo aad u adeegsan kartid Gmail, Google+, YouTube iyo adeegyo kale ee Google.
La soco qoraalka xiga oo ku saabsan sida loo rukunto e-mail ayadoo lagu xirayo website
Qoraallada ku cusub Somali Students kala soco https://www.facebook.com/cabdullaaahi2
 
 

No comments:

Post a Comment

Xikmado Muhiim Ah

~ Waxaan bartay in jaamacadda iyo iskuulka aan wax kabaranno kaddibna aan imtixaanada galno, laakiin nolosha imtixaanka ayaan galnaa...