BISMILLAH Marka hore cudurkan Dengue fiver waxaa loo
yaqaanaa Kaduudshe
Dadka goobjoogayaasha ah waxey u qeybsameen hadii aan u fiirino dhinac cilmi ahaan
"dhakhtarada ayaan ula jeedaa" laba koox:
Koox waxey tiri cudurkaan waa cudur ay keentay waxa
loo yaqaano "radio-active materials" oo waxyaabaha sunta oo shucaaca
sii daaya laguna duugay badaheena iyo dhulkeena.
kooxda kale waxa ay tiri cudurkaan waxaa la
yiraahdaa "Dengue Fever" waana cudur uu keeno 4 nooc oo walaalo ah
kana mid ah viruseyada, qofkuu ku dhacane kuma soo laabto oo immunity ayuu ka
qaadaa, calaamadihiisane waxay u egyihiin cudurka loo bixiyey
"kaduudshe".
hadii aan sii faahfaahiyo cudurkaan "dengue
fever" horta cudur cusub maahan waa cudur qadiim ah oo la yaqaannay illaa
1700kii wuxuuna badanaa ku badanyahay wadamada kuleelka ah "tropical
areas" waxaana gudbiyo nooc ka mid ah kaneecada loona yaqaano
"Aedes".
qofka marka uu ku dhaco cudurkaan waxaa isla markii
ku bilawdaa qandho ama xumad aad u sareysa lana socoto "rashs".
marka si loo dhaho qofkaan cudurkaan ayuu qabaa waa
in waxyaabahaan laga helo sida ay tiri "WHO".
1: Qandho ama Xumad
2: Qofka oo dhiig iska fadhiista jirka meelo ka mid
ah isagoo jug aysan gaarin taas oo ah
macnaheeda qofka oo ku yaraata waxyaabaha loo yaqaano "Platelets"
3: Taasi oo marka qaarkiisa keeni karta inuu qofka
dhiig matago ama shubmo.
4: Lafo iyo murqo xanuun taas uu qofku u maleynayo
in lafahiisa ay jajabayaan.
5: Iyo qofka oo ku yaraata jirkiisa unugyada cascas
Hadii qofka intaas laga helo ayuu qabaa cudurkaan,
waxaadhici kara in cudurka uu sii darsado oo isku badalo waxa loo yaqaano
"Dengue shock syndrome" oo qofka ay ka muuqanayaan calaamadahaan:
1: qofka oo cadaadiska dhiigiisa hoos u dhaco
2: inuu farqiga u dhaxeeya cadaadiska dhiigiisa
labada qeyb ay yaraato (Bp)
3: jirkiisa oo isku yaraado, maqaarka oo is badalo
iyo hadii la taabto qabowne ah "shrunken body"
waxaa lagu sii hubsan karaa 100% inuu qofka cudurka
ka qabo labadaan baaritaan oo lakala yiraahdo "Serology and PCR"
Ilaa
iyo hada ma jiro talaal la isku wada raacay oo suuqa yaala loogana hortagi karo
cudurkaan daawo lagu daaweyn karane majirto laakiin qofka waxaa lagu dadaalaa
in laga ilaaliyo fuuqbaxa iyo in qandhada laga dajiyo.
Badanaane qofka wuu ka fiicnaadaa haduusan u dhiman
cudurka muddo laba usbuuc ah oo ay ku xigsaneyos maalmooyin ama usbuucyo kale
oo qofka uusan dhaqaaqi karin tabardarro awgeed.
Cudurka
maxaa somaliya u keenay?
Ma garanayo waxa u keenay soomaaliya waqtigaan laakiin sida aan kuu sheegay wuu ku dhici
karaa Tropical coutries-ka oo dhan
Meelo kale uu ku dhaco ma jiraa cudurkaan?
Haa way jiraan wadamo kale uu ku dhaco kuwaasi oo ku
yaala Asia, Afrika iyo North america. wuxuuna aad u soo caan baxay
1980-tameeyadii
waxeyna WHO aaminsantahay inuu cudurkaan ku dhaco in
ka badan 40 million oo qof sanad walba.
wuxuuna faafitaankiisa soo caan baxaa hal mar 6dii sanadba.
hada waxa uu ka dilaacay wadanka
"paraguay" latin america oo ay u iil daranyihiin in ka badan 1000
qof.
Sidee
loo kala qaadaa?
sida aan kor ku xuseyba waxaa gudbiye dhooc ka mid
ah kaneecada loona yaqaano "Aedes aegypti".
Malaga
yaabaa qofka haduu daawo qaato inuu u
dhinto?
Ma Jiraan wax
ku saabsan arintaas laakiin maba jiraba daawo loogu talagalay in lagu daaweeyo
cudurkaan.
laakiin waxaa xusid mudan daawooyin badan oo hadii
la siiyo qof cudurkaan calaamdihiisa la yimaado uu u dhiman karo matalan qof uu
aad u yaryahay "platelets" kiisa oo dhiigiisa aan si dhakhsa ah aan
ku istaagi karin hadii la siiyo aspirin wuu u dhiigbaxayaa, marka waxa ay ku
xirantahay daawada qofka la siiyey!!.
Ma
laga yaabaa inuu wadankeena ku soo laabto?
haa way dhici kartaa laakiin dadkii uu ku dhacay
inuu mar kale ku dhicin ayey u badantahay hadii kaduudshuhu uu yahay cudurka
aan ka hadlayo sida ay dhakhaatiirta qaarkood isku raaceen. Kuma soo laabto qof
uu horayu haleelay
Waxaa kale oo ka mid ah cudurkan Kaduudshaha
calaamadihiisa
• Qofka Waxaa
xanuuna lafaha meelihii ay horey uga gaareen dhaawacyada sida jabka iwm.
• Qandho
xoog badan.
• Lafa xanuun
aad u daran una badan kala-goysyada.
• Maqaarka
oo cun cuna marka uu ka dhamaanayo cudurkan.
Waxaa Qofka
xanuuna Meelihii ay horay jugta uga soo gaartay maalin ka hor inta aysan
qandhadu
qaban. Kadib waxaa qabta maalinta xigta qandho aad u fara badan dhowr
bari ayay
heysaa qandhada inkastoo aysan lafuhu aysan xanuuneyn. Markii ay ka
dhamaato qandhada ayaa waxaa xanuuna lafaha oo uu xanuunku u badnaa
meelaha kala
goysyada ah, marba meel ayuu xanuunku u badnaa oo
surka iyo garbaha oo kale isku mar
ayay qofka xanuunayaan halka dhabarka iyo sinaha ay mar wada
xanuunayaan. Markii
ay dhowr bari ay xanuunaan lafaha xanuunkii ayaa
tartiib uga yaraada waxaana marka
ugu dambeyso waxaa
cun cunaya maqaarka oo barbararaya
waana wax yaabaha lagu garto in xanuunkii uu kaa dhamaadey.Waxaa jirta in aan
maqley dad uu ku dhacay cudurkaasi ay
shuban iyo matag ku dhacay balse uusan ahayn mid uu dhiig la socdey. Waxaa kale oo jirta in aanan maqal aragna qof
ay indhuhu kagaduuteen ama xanuuneen balse waxay ku ekeyd oo kaliya qandho,
lafa xanuun, shuban, matag iyo dadka qaar oo isku soo kaduuta.