Shirkada FACEBOOK Oo Ereyo Cusub Soo
Kordhisay
Barta bulshada ku kulanto ee Online-ka ee Facebook, ayaa dhowaan soo
kordhin doonta fal-celinno cusub oo la mid ah ereyga “like” ee qofku doorto
marka wax uu jeclaado uu ku arko facebook.
Dhowaan,
ayaa dadka Facebook isticmaala waxa ay awood u yeelan doonaan inay adeegsadaan
ereyo ay ka mid yihiin “angry” oo la macno ah carro, ama “sad” oo la macno ah
“murugo”.
Waxa
sidoo kale lasoo kordhin doonaa ereyada “yay”, oo aad ku qeylin karto markaad
wax si aad ah uga hesho ama ereyga “wow’ oo wixii ku cajab geliyaa aad u
adeegsan karto.
Facebook
waxa ay sidoo kale kusoo dari doontaa ereyga “love” oo aad saari karto wixii
aad jeclaato, sida faallo, sawir ama video.
Mark
Zuckerberg, oo madax ka ah facebook ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in dadku
ay awood u siiyaan inay wadaagaan dhammaan waxyaabaha macnaha ugu fadhiya, uuna
rajeynayo in dadku jeclaan doonaan ereyadan cusub ee lasoo kordhin doono.
Facebook
ayaa tijaabinta fal-celinnada cusub waxa ay bishii October ka billowday dalalka
Chile, Philippines, Portugal, Ireland, Spain, Japan iyo Colombia.
Casino Slot Machines in the City | JTM Hub
ReplyDeleteIt has the highest standard of high-quality entertainment 논산 출장안마 in the country, with the number of slots being 5, 6 or 부산광역 출장마사지 7 과천 출장안마 times 서울특별 출장샵 the size 동해 출장마사지 of a regular table