Monday, March 14, 2016

Cilmi baaris lagu sameeyay Kaduudshe



BISMILLAH Marka hore cudurkan Dengue fiver waxaa loo yaqaanaa Kaduudshe  

Dadka goobjoogayaasha ah  waxey u qeybsameen  hadii aan u fiirino dhinac cilmi ahaan "dhakhtarada ayaan ula jeedaa" laba koox:

Koox waxey tiri cudurkaan waa cudur ay keentay waxa loo yaqaano "radio-active materials" oo waxyaabaha sunta oo shucaaca sii daaya laguna duugay badaheena iyo dhulkeena.

kooxda kale waxa ay tiri cudurkaan waxaa la yiraahdaa "Dengue Fever" waana cudur uu keeno 4 nooc oo walaalo ah kana mid ah viruseyada, qofkuu ku dhacane kuma soo laabto oo immunity ayuu ka qaadaa, calaamadihiisane waxay u egyihiin cudurka loo bixiyey "kaduudshe".

hadii aan sii faahfaahiyo cudurkaan "dengue fever" horta cudur cusub maahan waa cudur qadiim ah oo la yaqaannay illaa 1700kii wuxuuna badanaa ku badanyahay wadamada kuleelka ah "tropical areas" waxaana gudbiyo nooc ka mid ah kaneecada loona yaqaano "Aedes".

qofka marka uu ku dhaco cudurkaan waxaa isla markii ku bilawdaa qandho ama xumad aad u sareysa lana socoto "rashs".

marka si loo dhaho qofkaan cudurkaan ayuu qabaa waa in waxyaabahaan laga helo sida ay tiri "WHO".

1: Qandho ama Xumad

2: Qofka oo dhiig iska fadhiista jirka meelo ka mid ah  isagoo jug aysan gaarin taas oo ah macnaheeda qofka oo ku yaraata waxyaabaha loo yaqaano "Platelets"

3: Taasi oo marka qaarkiisa keeni karta inuu qofka dhiig matago ama shubmo.

4: Lafo iyo murqo xanuun taas uu qofku u maleynayo in lafahiisa ay jajabayaan.

5: Iyo qofka oo ku yaraata jirkiisa unugyada cascas

Hadii qofka intaas laga helo ayuu qabaa cudurkaan, waxaadhici kara in cudurka uu sii darsado oo isku badalo waxa loo yaqaano "Dengue shock syndrome" oo qofka ay ka muuqanayaan calaamadahaan:

1: qofka oo cadaadiska dhiigiisa hoos u dhaco

2: inuu farqiga u dhaxeeya cadaadiska dhiigiisa labada qeyb ay yaraato (Bp)

3: jirkiisa oo isku yaraado, maqaarka oo is badalo iyo hadii la taabto qabowne ah "shrunken body"

waxaa lagu sii hubsan karaa 100% inuu qofka cudurka ka qabo labadaan baaritaan oo lakala yiraahdo "Serology and PCR"

Ilaa iyo hada ma jiro talaal la isku wada raacay oo suuqa yaala loogana hortagi karo cudurkaan daawo lagu daaweyn karane majirto laakiin qofka waxaa lagu dadaalaa in laga ilaaliyo fuuqbaxa iyo in qandhada laga dajiyo.

Badanaane qofka wuu ka fiicnaadaa haduusan u dhiman cudurka muddo laba usbuuc ah oo ay ku xigsaneyos maalmooyin ama usbuucyo kale oo qofka uusan dhaqaaqi karin tabardarro awgeed.

Cudurka maxaa somaliya u keenay?

Ma garanayo waxa u keenay soomaaliya waqtigaan  laakiin sida aan kuu sheegay wuu ku dhici karaa Tropical coutries-ka oo dhan

Meelo kale uu ku dhaco ma jiraa cudurkaan?

Haa way jiraan wadamo kale uu ku dhaco kuwaasi oo ku yaala Asia, Afrika iyo North america. wuxuuna aad u soo caan baxay 1980-tameeyadii

waxeyna WHO aaminsantahay inuu cudurkaan ku dhaco in ka badan 40 million oo qof sanad walba.

wuxuuna faafitaankiisa soo caan baxaa  hal mar 6dii sanadba.

hada waxa uu ka dilaacay wadanka "paraguay" latin america oo ay u iil daranyihiin in ka badan 1000 qof.

Sidee loo kala qaadaa?

sida aan kor ku xuseyba waxaa gudbiye dhooc ka mid ah kaneecada loona yaqaano "Aedes aegypti".

Malaga yaabaa  qofka haduu daawo qaato inuu u dhinto?

Ma Jiraan  wax ku saabsan arintaas laakiin maba jiraba daawo loogu talagalay in lagu daaweeyo cudurkaan.

laakiin waxaa xusid mudan daawooyin badan oo hadii la siiyo qof cudurkaan calaamdihiisa la yimaado uu u dhiman karo matalan qof uu aad u yaryahay "platelets" kiisa oo dhiigiisa aan si dhakhsa ah aan ku istaagi karin hadii la siiyo aspirin  wuu u dhiigbaxayaa, marka waxa ay ku xirantahay daawada qofka la siiyey!!.

Ma laga yaabaa inuu wadankeena ku soo laabto?

haa way dhici kartaa laakiin dadkii uu ku dhacay inuu mar kale ku dhicin ayey u badantahay hadii kaduudshuhu uu yahay cudurka aan ka hadlayo sida ay dhakhaatiirta qaarkood isku raaceen. Kuma soo laabto qof uu horayu haleelay

Waxaa kale oo ka mid ah cudurkan Kaduudshaha calaamadihiisa

   Qofka Waxaa xanuuna lafaha meelihii ay horey uga gaareen dhaawacyada sida jabka iwm.

   Qandho xoog badan.

   Lafa xanuun aad u daran una badan kala-goysyada.

   Maqaarka oo cun cuna marka uu ka dhamaanayo cudurkan.

Waxaa Qofka  xanuuna Meelihii ay horay jugta uga soo gaartay maalin ka hor inta aysan

qandhadu  qaban.  Kadib waxaa qabta  maalinta xigta qandho aad u fara badan dhowr

bari ayay  heysaa qandhada inkastoo aysan lafuhu aysan xanuuneyn.  Markii ay ka

dhamaato qandhada ayaa waxaa  xanuuna lafaha oo uu xanuunku u badnaa meelaha kala

goysyada ah, marba meel ayuu xanuunku u badnaa oo surka iyo garbaha oo kale isku mar

ayay qofka xanuunayaan  halka dhabarka iyo sinaha ay mar wada xanuunayaan.  Markii

ay dhowr bari ay xanuunaan lafaha xanuunkii ayaa tartiib uga yaraada waxaana marka

ugu dambeyso waxaa  cun cunaya maqaarka oo  barbararaya waana wax yaabaha lagu garto in xanuunkii uu kaa dhamaadey.Waxaa jirta in aan maqley dad  uu ku dhacay cudurkaasi ay shuban iyo matag ku dhacay balse uusan ahayn mid uu dhiig la socdey.  Waxaa kale oo jirta in aanan maqal aragna qof ay indhuhu kagaduuteen ama xanuuneen balse waxay ku ekeyd oo kaliya qandho, lafa xanuun, shuban, matag iyo dadka qaar oo isku soo kaduuta.

No comments:

Post a Comment

Xikmado Muhiim Ah

~ Waxaan bartay in jaamacadda iyo iskuulka aan wax kabaranno kaddibna aan imtixaanada galno, laakiin nolosha imtixaanka ayaan galnaa...