Tuesday, April 26, 2016

maxa ay tahay maalin luntay





 Waa maalin kaa tagtay oo aan kuu soo noqonaynin. Maalin kasta oo kaa tagtaana waxa ay kugu dhowysaa albaabka qabriga. Malakulmowdkuna maalin kasta waxa uu   na soo eegaa shan jeer. Malakulmawdkuna siduu noogu waramay Xabiibkii Mustafa, waxa uu si fiican u garanayaa  in ka badan intuu qofku dhasho. By: Cabdullaahi sheikh cabdi


Waxaan idiin sheegiyaa in uu malakulmowdku la saxiib ahaa Nebi Sulaymaan Ibnu Daa'uud. Wuxuu ahaa malakulmowdku mid isku eekaysiiya suurad bashar oo aad u qorox badan.

Maalin Maalmaha ka mida ayuu malakulmowdkii soo booqday Nebi Sulaymaan. Maalintaasina waxa  la fadhiyay mid ka mid ah Wasiirkiisii. Markuu malagii dhamaystay booqashadiisii oo uu sii maca-salaameeyay Nebi Sulaymaan ayuu malagii wasiirkii si xun oo u soo eegay  ka dibna wuu iska tagay.

Markuu malagii tagay ayuu wasiirkii ku yidhi Sulaymaan kumuu ahaa kii  kula fadhiyay ee kaa tagay? Nabi Allow?! Sulaymaan baa ugu jawaabay oo
yidhi, "Maxaad  ii waydiinaysaa su'aashaasi wasiiryohow?! Wasiirkii baa ugu celiyay, "maxaa yeelay waxaan ku arkay aragti yaab leh oo cajiiba. Sulaymaan baa yidhi, Wuxuu ahaa malakulmowdkii ama malagii nafta qaadayay.

Wasiirkii waa uu wareeray waanu isku dhex yaacay wuxuuna yidhi, "oo muxuu sidaasi iigu eegayay Nabi Allow?! Ilaahaybaan kugu dhaarshee dabayshaada amar si ay ii gayso Bilaadul Hind. Waayo anigu ma awoodu inaan sii joogo meel aan ku arkay malakulmowdkii! Nebi Sulaymaaan baa ku yidhi wasiirkii, Oo miyuu kaa hor istaagayaa safarkani haduu yahay mid xagga Illaahay laga xaliyay.

Wasiirkii baa yidhi, "Waxaan kaa baryayaa inaad dabayshaada aad amartid si ay iigu qaado meel fog oo ka mida Bilaadul Hindi. Sulaymaan wuxuu amray dabayshii wasiirkiina waxa uu raacay dabayshii. Intuuna wasiirkii gaadhin meeshii ayuu malakulmowdkii u yimi Sulaymaan, waxanu ku yidhi, "Suleymaanow kan wuxuu Illaahay igu amray inaan naftiisa kaga qaado Bilaadul Hindi Lakiin se markaan ku arkay halkan waan yaabay waxaanaan Illaahay ku idhi, "Raabiyow ninkan waxaad igu amartay inaan naftiisa aan ku qabto Bilaadul Hindi ee maxaa keenay majliska Sulaymaan Magaalda Quddus iyo halkan.

Markii uu gaadhay wakhtigiisii ee uu wasiirkii tagay Hindiya ayuu malagii la kulmay si uu malagii u oofiyo awaamiirta rabi  naf kastana waxa ay dhadhaminaysaa geerida. Nafna ma garanayso waxay berri kasbanayso nafna ma garanayso dhulkay ku dhimanayso. Illaahay baa arintaas og oo u khabiira.

Hadaba waxaan idiinku soo gabagabaynayaa in aynu wakhtigeena aynu ka faa'iidaysno xagga rabina aynu u noqono, shaydaankana aynu la dagaalano. Waayo shaydaanku wuxuu inoo yahay cadow cad.

Hadii aad tahay, qof aduunyadu halaysay, aakhirana hilmaamay, oo hawadiisii raacay. Haawiyaa danbaysee, intuuna mowd ku haleelin, camalkaaga hagaaji.
 

No comments:

Post a Comment

Xikmado Muhiim Ah

~ Waxaan bartay in jaamacadda iyo iskuulka aan wax kabaranno kaddibna aan imtixaanada galno, laakiin nolosha imtixaanka ayaan galnaa...