Thursday, March 24, 2016

AMAAN DIGAAGA


Dadka dameerka iyo geela amaanayow

Doorkey kaga jirto dab-joog

Maxaad ka taqaan digaag

Digaagu ma aado duur

Sidii sacii iyo dibigii

Lama soo daajiyoo

Intaa daaradda ay marmari

Marti aan la deyn Karin

Hadey soo dalaq tiara

Hal diiq baa kaaga filan

Maxaad ka taqaan digaag

Diktooradeyna aiyo

Dhaqaatiirtu waxay qireen

Qofkii dhiig dari heshaa

Hadduu dhowr xabo daldalo

Iney daamanku casaan

Cidina kama saarno daah

Maxaad ka taqaan digaag

Diiq iyo digaag

Shukaasigu waa dahsoon

Anaa muda daba socdoo

Dadku mayaqaan dhamaan

Markii uu daaro xubbi

Inuu diidii yiraa

Iyana daadaa tiara

Dushuu kaga boodayaa

Sidii sacii iyo dibigii

Iskuma daahaan durbaba

Daqiiqadey kala bogtaan

Intey meel dahsoon gashoo

Ukunta soo degiso beey

Diiqeeda canaanataa

Iyadoo damaceedu yahay

Daandaansi iyo xodxodo

Maxaad ka taqaan digaag

No comments:

Post a Comment

Xikmado Muhiim Ah

~ Waxaan bartay in jaamacadda iyo iskuulka aan wax kabaranno kaddibna aan imtixaanada galno, laakiin nolosha imtixaanka ayaan galnaa...